Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi SaaxiibkiisThis is a featured page

Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنة
Nuruddin

Intaadin yaabin ama cararin bal kaadso, hortaa baa layaabay. Waxaan maqlay muddo toban sano kahor ku dhow Nurrudin Farah oo "Nobel prize" abaal marin qaali ah oo waliba caalami ah loo qalqaalinayey oo uu ku mutaystay qoraaladiisa. Iyadoo halkaas ay ii joogto oo aan is leeyahay reerkaan Soomaali dhinacaa waa ka tabar daraayeen ee malaha waaba loobaahnaa in lahelo qoraa caan ah. Iyadoo waliba xilligaas kusoo aadaysa xilli ku dhowaad toban kale la dowlad la'aa.
Waxay ahayd dhowr sano ka hor markii uu Nuruddin soo gaaray magaalo aan joogay, maalmo kadib waxaa darbiyada ku dhagenayd waraaq lagu xayeysiinayo inuu jiro buug saxiix oo qoraagu u saxiixayo qofkii buugiisa gata. Dabcan in buuga la daah furo, laga hadlo ama wax laga waydiinayo ama qoraaga laftiisa la arkana meesha kama marna. Waraaqdii markaan akhriyey ayaa waxaa ku qoran buuga magaciisa iyo meesha iibintu ka dhacayso ka dib, hadalo uu leeyahay Gaalkii waynaa ee "Salman Rushdie",dabcan cidna sharax ugama baahana ayaan filayaa.
Salman Rushdie waxa uu Nuuruddiin ku aamaanay in uu yahay "Mid kamid ah kuwa ugu wanaagsan Qorayaasha Noofelada ee Casriga la socda ee Afrikaanka ah". Sidaas waxaa qortay shabakada commonwealthclub.org, oo intaas ku dartay in Nurruddin Faarax uu wax ka qoro sheekooyinka dumarka, uuna ku guulaystey billada loo yaqaan Neustadt International Prize." intaa markaan arkay ayaa waxaa iisoo baxday Mudane Nuraddin inuu aqbalay Salmaan amaantiisa uuna walibana qarsanayn ee in ninkaas ka hadlay buugtiisa ayaaba dadka lagu soo jiidanayaa (khaasatan dadka ku hadla ingiriisiga) qoraasha badanaa buugtooda dadka dib u eega khaasatan kuwa magaca leh ama hay’adaha waxbarashada sida Jaamacadaha ayey isku xayeysiiyaan. Hadalka Salmaan yiri waxaa aad ula booday in badan oo ka mida warbaahinta reer Galbeedka taasoo xayeysiis iyo taskiyo u noqotay Nuruddin.
Weel walba wixii kujiruu dhiddidaa
Hadalkaan wuxuu ahaa maah maah carbeed oo xikmad badan xambaarsan, waxaan filayaa inay lamacna ahayd "Qoriba qiiqiis ayuu uraa" Waxaan oran karaa waa hordhac hadalkaan inuu Nuruddin ku jeesjeeso xijaabka ama Ayaada ka hadlaysa.
Intaynaan hadalkiisii wax ka taaban Nuruddin xataa waxaa todobaataneeyadii oo ahayd markii uu kusoo biiray caalamka qoraalka ay ku tilmaameen nimow naag qaar kamida akhristayaashii buugii matalaada ahaa ee uu baxshay (FROM A CROOKED RIB) sida uu' u matalay oo gabar reer baadiya ah oo laguday isaga dhigay, ("Ms Farah" feminist'').
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنةNuruddin oo buug cusub oo uu qoray kahad layey Febraayo 08, 2007, kulan lagu qabtay meesha lagu magacaabo "The Loft Literary Center" oo kutaala Magaalada Minneapolis, halkaas oo ay isugu yimaadeen dad badan oo aan Soomali ahayn balse Somali ku jirtay, ayuu hadalkiisii kusoo daray xijaabka ay xirtaan gabdhaha Soomaaliyeed. Markuu ka hadlayey dumarka Soomaaliyeed wuxuuna yiri; " Gabdhaha Soomaaliyeed in badan oo kamida waa wanaag san yihiin, waana ku faraxsanahay……. Laakiin marmarbaan waxaan ka xumaadaa xirashada ay xiran yihiin dharka Sacuudi Caaraabiya, waxay xiran yihiin dhar aanan lahayn… kadibna waxay igu yiraahdaan waa dhaqan kayagii, ma’ahan dhaqankayagii, malihin Shuko, xaqiiqadu waa sidaa………(isagoo sii hadlaya wuxuu yiri) sababtuna waxay tahay illaahay wuxuu yiri is astur, mase dhihin xiro dharka afqaanta…. Arimahaas waa kuwa aan daneeyo, waxaan rabaa hal qof oo Soomaali ah oo istaaga oo yiraahda Shuko, Niqaab kuwaasoo dhan waa dhaqankeena? Ma'ahan, ma'ahan; Dhab ahaantii markaan qoray buugaygii ugu horeeyey, gabadhii lagu matalayey "Cebla" markay aragtay gabar xiran xijaab way ka carartay, maxaa yeelay waxay u malaysay CIRFIID! Waligeed ma aysan arag dumar carbeed oo shuko kor iyo hoos qaba. Labaatan ilaa sodon sano kadib carabtii waxay ka tageen lacag badan si ay u ISLAAMEEYAAN Soomaalida……… miyaanan illaahay ka cabsan Karin inagoo Muslim ah oo aan wadan ganacsigaan Afqaaniga ah"
Intaa kadib waxaa xusid mudan in gabar Soomaaliyeen oo goobtaa fadhiday ay si wanaagsan ula garnaqsatay Nuruddin una ridisay si cilmiyeysan, taasoo uu qoraagu mahad caalwaa ka celiyey. Hadaladeediina waxaa ka mid ahaa "Quraanku wuxuu doonayaa inay dumarku korkooda Xijaabaan. Dumarka Soomaaliyeed xor ayey u yihiin inay doortaan sida ay uturjumayaan inay u xirtaan dharkooda Islaamiga ah. Waxaan kaloo rabaa inaan xuso in dumarka Soomaaliyeed dhibaato kasoo gaadhay dagaaladii sokooye, qaarkood waxay joogaan Waqooyiga America iyo meelo kaleba. Dumarku xijaabka ay xiran yihiin wuxuu ka difaacaa waxbadan oo dibada kaga iman lahaa, sidoo kale wuxuu jirka uga yahay difaac waxyaabo badan. Sidee baa doonaysaa inaad u fahanto kalsoonida ay haystaan dumarka iyo raga Soomaaliyeed, taasoo aysan heleen hadaan ilaahay ilaalin iyo hanuun siinayn…… Waxay xor u yihiin in ay u qaataan xijaabka sida quraanku dhigayo...."
Maxaa kuu baxay akhristow, waxaan ukala qaadaynaa hadalkiisa afar qaybood;
  1. Dhar Carbeed (Dharka Sacuudi Caraabiya), Dharka Afqaanta.
  2. Si ay u ISLAAMEEYAAN Soomaaliya
  3. Dhaqanka Soomaaliga ah
  4. Ku jeesjeesid Xijaabka ama ( Ayaada Quraanka ee ka hadlaysa Xijaabka)
Dhar Carbeed (Dharka Sacuudi Caraabiya), Dharka Afqaanta
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنة
Dhegeyso Aayyadda 59aad ee Suuradda Al-Axsaab
(waxaa akhrinaya Sheikh: Baset)
Nebiyow ku dheh Haweenkaaga iyo Gabdhahaaga iyo Haweenka Mu'miniinta isku dada Shukadiinna, taasaa idiinku dhow in la idin aqoonsado oon laydin dhibine., Eebana waa dambi dhaafe Naxariista ah. [Axzaab 33:59]

Ugu horayntii waxaad dareemaysaa sida Nuruddin ay uga maqantahay inaan lakala lahayn ama qolo gooni ah loo tiirin Karin Shacaa'irta Diinta islaamku latimid. Sida; Xijaabka, Garka, Raga oo marada gaabsada, Cimaamada, Koofiyada ama Cibaadada qaarkood sida Xajka iyo Ciidaha. Waxaa noo cadaynaya siduu qoraagu uga arradan yahay Dhaqamada Islaamka wuxuu kulmiyey Sacuudi, Afqaanistaan iyo Soomaalida. Su'aashu waxay tahay hadaan Xijaabka siino Carabta ama Sacuudigaba maxaa Afqaanta u geeyey?. Maxaase anaga noo keenay waxaan nahay Afrikaan (Sida qoraagu hadalka u dhigay)? Maxay tahay calaaqada naga dhaxaysa kuligeen?.
Jawaabtu waa koobantahay waana fududahay wolow qoraagu arki waayey ama iska khaafinayo. Kuligeen waxaan nahay Islaam waxaana nawada hagaya Quraanka iyo Hadalka Nabiga, sida ilaahay u amray Nabi Maxamed (NNKH) markuu lahaa " Hooy Nabiyow waxaad fartaa Xaasaskaaga, gabdhahaaga iyo Gabdhaha Muslimaadka korkooda inay ka raariciyaan Jalbaabkooda, Sidaasaa u dhow in lagarto (inay muslimaad yihiin) oo aan la dhibin, ilaahayna wuxuu ahaaday mid danbiga dhaafa oo naxariista" (Axsaab 33:59). Waxaan filayaa inay tahay jawaab aan wada fahmi karo. Hadaan Su'aal dib ugu celino Nuruddin miyaanay gabdhaha Soomaaliyeed ku jirin kuwa ilaahay lahadlayo sida macnaha aayada kore sheegayso?.
Si ay u ISLAAMEEYAAN Soomaaliya
Waxaa dad badan oo joogay goobta ama dabadeed maqlay layaabeen weedhaha oranayey"Labaatan ilaa sodon sano kadib carabtii waxay ka tageen lacag badan si ay u ISLAAMEEYAAN Soomaalida" waxaa markiiba kugu soo dagdagaysa awal miyaanan Islaam ahayn?. Waxaa taariikh-yahannadu sheegaan in Soomaaliya Islaamku soo gaaray Xiligii Saxaabadii Nabiga (scw) ay usoo hijroodeen Ardul Xabasha oo loola jeedo (dhulka dadka madow) oo aan inagu ka mid nahay. Sidoo kale taariikho kale ayaa sheegaya in xiligaas wa xoogaa kadib uu islaamku soo gaaray. Waxaanse muran lahay khilaafooyinka Islaamka in xukunkoodii soo gaaray. Sidoo kale waxaan muran lahay iyadana in Qarnigii 7aad iyo kii 8aad ee Hijriyada labadaba Taariikhyahaniintu wax ka qoreen Soomaaliya sida "Ibnu batuuta" iyo Shiikha leh Mucjamul Buldaan.
Waxaa lagu fasiray qoraaga hadalkiisa inay dhici karto inuu qoraagu taariikh khaldan hayo maadaama uu wadanka Soomaaliya waxbadan ka maqnaa ama uhaysto waxkasta oo carabtu sameeyaan gaar ahaan Sacuudiga inay iyaga dhaqan u tahay. Waxaa is waydiin leh sida Nurruddin uu'u ilowsan yahay in Makka iyo Maddiina aysan ahayn oo kaliya Sacuudi Caraabiya. Waxaan xasuusin lahaa in Makka ay ku taal kacbada ay Muslimiintu ula jeestaan Salaadahooda meelay joogaanba, in Loo Xajiyo Xageeda, in Quraanka Lagu Soo dajiyey, in Maddiina Nabigu u hijrooday kuna aasan yahay iyo inay yihiin meelaha Aduunka aan hada ku noolahay ugu Fadliga Badan uguna Barakada badan. Hadaba hadii arinku sidaa yahay qoraaga waxaan filayaa inay u cadahay xiriirka naga dhexeeya umadaha inuu yahay mid diimeed ee uusan ahayn dhaqan qolo kale oo naloo soo meeriyey. Sidoo kalena inaan 30 sano ka hor nala islaameen ee aan illaahay mahadii horay islaam u ahayn.
Dhaqanka Soomaaliga ah
Marka laga hadlayo dhaqan ama Caado waa arin umadi laasimto, intabadana ay iska dhaxasho, dhaqanku wuxuu kujiraa waxyaabaha aan caalamka la iskula yaabin la iskuna tixgaliyo. Sidoo kale wuxuu ku jiraa waxyaabaha aadka la isugu khilaaf sanyahay. Caadadu waxay leedahay qaar xun iyo qaan wanaagsan. Jiilkasta wax ayuu kusoo kordhinayaa dhaqanka waxna waa ka lumiyaa. Shaki malahan in badan oo Soomalida dhaqankeeda ka mida in uu wanaagsan yahay sida; Marti soorka, Bixinta Maganta, U turida Dumarka iyo dadka Jilicisan. Dhaqamadaas qaarna waa lumeen sida bixinta Maganta iyo U turida Dumarka iyo dadka jilicsan, Qaarna wali wax baa ka baaqi ah sida Soorida Martida. Dhinac dharka xiligii hore ee la dhar la'aa waxaa la xiran jiray "Dhuu", xilligii dharku yimidna waxaa laxiran jiray " Boqor iyo Dhacle" laba maro oo cad cad, xiligii dharku soo batay ama la reer magaaloobay waxaa la xiran jiray "Guntiino iyo Garbasaar", xiligii ka danbeeyeyna waxaa la xiran jiray " Beermaqariye iyo Dh. Jabuuti iwm". Xiligii kadanbeeyey iyo hadana waxaa loobadan yahay "Jalbaab; Xijaab" waxaa lasoo maray intaas oo marxalo oo kala duwan, hadaba Su'aashu waxay tahay keebaa dhaqan Soomaali ah oo Soomaali leedahay? Ma "dhuuga mise Jalbaabka?".
Waxaan filayaa in marxaladaas lasoo maray oo dhan aanan dhihi Karin kuli waa dhaqan ama caado, ee waa xaalado kala duwan oo midba xili lasoo maray. Markaan isu gayno xaaladahaas oo dhan Jawaabtu waxay noqonaysaa waxaa dhaqan noo ah wixii Diintu na amartay ama waafaqsan shareecada Islaamka. Sidaas ayuuna Xijaabku ku noqonayaa dhaqanka gabdhaha Soomaaliyeed leeyihiin ama dharka gabdhaha Soomaaliyeed leeyihiin ee hada caanka ay kuyihiin dunidaan aan joogno. Waxaa arintaas sii xoojinaya Xilligii Nabiga (scw) lasoo diray Carabi waxay lahayd dhaqamo badan oo kala duwan, qaarna waa loo Islaameeyey qaarna waa laga tuuray. Dhaqankii xumaada waa latuurayaa muran la'aan.
Ku jeesjeesid Xijaabka ama (Ayaada Quraanka ee ka hadlaysa Xijaabka)
Intaynaan ugudbin Nurruddin hadalkiisa, aan ku yara nasano guudmar yar oo Xijaabka kusaabsan.
Ugu horayntii waxaa haboon inaan hoosta ka xariiqno in Xijaabku uusan ahayn dhaqan qolo leedahay ee uu yahay amar illaahay oo muslimiinta oo dhan waajib ku ah inay fuliyaan. Muran malahan in umada Soomaaliyeed ay dhaqan galiyeen Xijaabka xili danbe ilaahay ajar ha kasiiyee cidii sababta u ahayd, ka daahida dhaqan galinta xijaabkana waxay laqabeen Soomaalidu Caalamka Islaamka oo markii ay burburiyeen khilaafadoodii Islaamka Gumaysigii qabsaday siduu rabo ka yeelay. Iyadoo sidaa ay tahay ayaa hadana Soomaalida lagu tiriyaa guud ahaan Wadamada Islaamka, wadanka ugu horeeyey ee wadan ahaan Isxijaabay ama uu Xijaabku uga dhaqan galay si waafi ah, wallow ay wax yar ka dhiman yihiin wali.
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنة
Maxamed Dheere vs Xijaabka
- 2004

Nooca Xijaabka Soomalida ee hada ay Caanka ku yihiin gabdhaha Soomaaliyeed ayaa waxaa sabab u ahaa ragii iyo gabdhihii dacwada ka waday Soomaaliya 70 tameeyadii. Waxaa igu maqaale ah inuu wali nool yahay ninkii lahaa fikrada qaabka uu'u tolan yahay iyo gabadhii ugu horaysay oo xirata. Waxaad dareemaysaa marada ay u dooreen iyo qaabka ay tolmadiisa u qoondeeyeen inuu yahay mid xeel dheer marka loo fiiriyo dhaqanka Soomaaliga oo ahaan jiray "hoodi dalaq" ama isla noolaanshaha qaraabada kala ajnabiga ah oo ay duruuftu sababtay. Sidoo kale dhinaca Bii'ada oo uu xijaabku doorwayn ka ciyaarayo Xifdinta iyo xanaanaynta jirka gabadha Muslimka ah. Mar waa Labis, marna waa gogol, marna waxaa lagu xanaanaynaa ubadkii oo loo gogli ama lahuwin.
Intaas oo dhan waxaa isku fuuqsaday sida uu'u waa faqay ayaada quraanka ee aan kor kusoo xusnay ee ka hadlaysa Xijaabka. Marka laga yimaado Culimada Soomaalida, Waxaa Caalamka Islaamka wax laga yiri Xijaabka Soomaalidu xirato oo ah nooc ay iyagu alifeen, waxaana loo kala harin inuu yahay Xijaabkii saxda ahaa ee Quraanka iyo Sunada lagu sheegay. Waxaa ka hadlay culimo waawayn oo cidwalba leh kuwa sucuudiguba ha ugu badnaadeen'e.
Xijaabka Sucuudiga laga xirto iyo kan Soomalida isma shabahaan isumana eka, kan Sucuudigu waa Shuko khafiif ah iyo indha shareer. Soomaalidu kaas waxay u yaqaanaan "Buubuu" xijaabna uma yaqaanaan ee gabdhaha ayaa guriga kujooga, ama waxaa qaata kuwa markaas uun xijaabka soo fahmaya oo bilowga ah, ama kuwa sii diciifaya oo hoos u socda. Kan Afqaaniga waan isu yara dhownahay, waana kala duwanhay koodu waa isku days, mana garanayo adaygiisa iyo khafiifkiisa laakiin wuxuu u muuqdaa Xijaabkii Sharciga ahaa. Keena waa "Toob ama Canbuur Gacmo dheere ah oo hoos laga qaato iyo Jilbaabka kore oo la raariciyo" waana isku maro waana isku midab badanaaba. Ilaahay haka abaal mariyee, waxaa sabab u ahaa xijaabka noocaan u tolan in uu Soomaaliya iyo meelo kaleba ku baaho culimada Soomaaliyeed.
Haddaan usoo noqono jeesjeeskii Nuruddin wuxuu yiri: "Dhab ahaantii markaan qoray buugaygii ugu horeeyey, gabadhii lagu matalayey "Ceebla" markay aragtay gabar xiran xijaab way ka carartay, maxaa yeelay waxay u malaysay CIRFIID!," waayo "Waligeed ma aysan arag dumar carbeed oo shuko kor iyo hoos qaba".
Marka hore aan yara akhrino buugaan wax kamida;
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنةCeebla, agoon siddeed-iyo-toban jir ah, waxay ka fakatay baadiyihii ee reer guuraaga Soomaalida markii ay ogaatey in awowgeed uu ballan qaaday in uu u guurinayo nin da'weyn. Laakiin markii ay u fakatay Muqdishu, waxay is aragtay in aysan wax awood ah lahayn islamarkaasna ay ku tiirsanaato niman sidii ay ugu tiirsanayd markii ay duurka joogtey oo kale. Dhexjibaaxii adeegidda, guurka, faqriga iyo rabshadaha, Ceebla waxay ku dagaalantay in ay ilaashato sharafteeda, iyadoo ku jirtey adduun ah meel dumarka 'loo iibiyo sida lo'da'. Ayuu qoray Nuruddin Farah oo arrinta ka eegaya aragtida dumarka, Novel-kiisii ugu horeeyey oo ahaa mid weeraraya dhaqanka dadkiisa. Sidaas waxaa qortay shabakada Penguin.co.uk oo ka hadleysey buugga uu Nuurudiin Faarax qoray sannadkii 1970 ee cinwaankiisu yahay: From a Crooked Rib [oo la macne ah "ka timid Feer Qalloocan"].
Nuuruddiin Faarax buuggaas ugu horeeyey ee uu qoray 1970kii waxa uu jeldiga sare u xushay sawir gabar ay "Kalxantu" muuqa, taas oo loo fasiray in qoraagu u qaatay in feerta qalloocan ay tahay taas, balse feerta dumarka laga abuuray sida saxda waa tan Soomaalidu u taqaan "Feer Yaro".
Nuruddin wuxuu tixraac ka dhigtay buugii matalaada ahaa (Sheeko la mala awaaley oo lajilo) waxaad dareemaysaa qaabka uu'u hadlayo in isaga iyo dhaqanka Islaamka uu darbi u dhexeeyo. Taas macnaheeda ma'han inaan difaacayo wax yaabo qaldan. Laakiin dhaqanka Islaamka waxaa kamida in gabadha waligeedu u doori karo say wanaagsan oo u qalma hanana kara dhinac kasta. Sidaas daraadeed ayaa shareecadu waxba kama jiraan ka soo qaaday guur aan wali lahayn.
Jeesjeeska Nuruddin ayaa ah inuu ku tilmaamay gabadh xijaaban inay tahay Cirfiid (waa nooc jinka kamida) isagoo sii hadlayana wuxuu yiri waxay uga carartay waligeed marag wax qaba shuko kor iyo hoos. Halkaas markuu marayey wuxuu ku tuntay ayaada kor aan kusoo xusnay oo oranaysa (……..korkooda inay ka raariciyaan Jalbaabkooda…..) hadaba waxaa is waydiin leh, Nuruddin arintaan Islaanimadiisa maxay u dhimaysaa? Majaahilnimaa arintan ka keenaysa mise waa sida uu rumaysan yahay? Muxuuse noqonayaa xukunkiisa Islaam ahaan?
Su'aalahaan oo dhan waxaan u daynayaa culimada Soomalida oo ehelka u ah fatwadeeda inay jawaab ka bixiyaan. Waxaase in badan culimada ka maqalay qofkii ku jeesjeesa Quraanka iyo Axaadiista Nabiga (scw) inuu ku gaaloobayo.
Gunaanad
Magacyada Buugaagta uu Qoray Nuuruddiin Faarax, ka akhri halkan....

Gabagabadii waxaa aad looga hadal hayaa Magaalada Minneapolis meelaha la isugu yimaado weedhihii Nuruddin, dadka intiisa badana waxay leeyahay "Qoraa barasha wanaagsan sidaan kuu haysanay ma'aadan noqon," qaarna si kale ayey leeyihiin oo "qoraagu wuxuu lahadlayey akhristayaashiisa aan Soomaalida ahayn."
Hadaan dhinac kale ka eegno waxaan qabaa waa fursad wanaagsan oo uu qoraagu isu kaaya baray sidii saxaafadu horay noogu bartay si aan ahayn markii ay lahayd (Qoraa Soomaaliyeed oo Bilad Caalami ah helay). Waxaana adkeeyey inaan horay qoraaga u barano wuxuu wax ku qori jiray luuqada dadkiisu ku hadlo midaan ahayn. Hadase waxaa sahlaya qaxii kadib waxaa labartay luuqado badan oo ay ka midtahay miduu isticmaalayey. Isku soo xooriyoo qoraaga waxaa inooga filaatay taskiyada iyo amaanta uu siiyey Salman Rushdie iyo sida uu ugu faraxsan yahay oo uu buugta ugu xayeysiisanayo. Hadaba akhristow nin ay damqi wayday Nabi Maxamed (scw) Caydiisii, Jalbaab xagee joogaa?. Nuruddin waa Salmaan Saaxiibkiis.
Xasan Dhooye (Abuu Xafso)
dhooye@hotmail.com


Sharcigii Jacques Chirac ee Dugsiyada Faransiiska Lagaga Mamnuucayey Khimaarka Gabdhaha Muslimiinta oo Maanta Ka Dhaqan Gelaya
  • iyo Ruushka oo Sannadkan markii ugu horeysey iskoolada Lagu dhigi doono Taariikhda Diimaha oo Islaamku kamid yahay.
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنة
Gabar Muslimad ah oo ka mudaharaadeysa mamnuucida Khimaarka France

September 2, 2004 Maanta oo ku beegan Khamiis (September 2, 2004) oo ah maalinta ugu horeysa sannad dugsiyeedka 2004-2005 ee dugsiyada Hoose/Dhexe ee dalka Faransiiska ayaa waxaa dalkaasi ka dhaqan geliya sharcigii uu madaxweynaha dalkaasi ku mamnuucay in gabdhaha Muslimka ay Iskoolka ku xirtaan Khimaarka. Waxaa sharcigaasi si toos ah u khuseeyaa oo ay tahay in ay u hoggaansamaan waa 12 million oo arday kuwaas oo dhigta 60,000 oo ah Dugsiyo Hoose iyo 11,000 oo ah Dugsiyada Sare ee dalka France, waa sida ay werisey hay'ada dalkaasi warka u faafisa ee AFP. Waxayse arinta Khimaarku si gooni ah saamayn ugu yeelaneysaa Muslimiinta ku dhaqan France oo tiradoodu tahay 5 million. Ms Jenny Taylor oo ah qortay "Islam & Islam and Secularisation" oo ay soo xigatey hay'ada wararka ee CNA (Asia) waxa ay sheegtay in 'xijaabka loo arkay aasaaska islaam ka dhigidda, taas oo ay sheegtay in ay u malaynayso in faransiisku arkeen..." Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنةWaxaa Soomaali badan weli madaxooda ka guuxaya hadalkii sannadkan 2004 horaantiisii kasoo yeeray Maxamed Dheere ee mamnuucida Indha Shareerka gabdhaha Muslimaadka ah, taas oo markiiba dad badan xusuusisay arintan Faransiiska oo aan markaas weli dhaqan gelin. TAARIIKHDA DIIMAHA OO ISLAAMKU KAMID YAHAY AYAA MARKII UGU HOREYSEY LAGU DHIGI DOONO DUGSIYADA RUUSHKA Waxaa sannad dugsiyeedkan 2004/2005 markii ugu horeysey iskoolada Ruushka lagu dhigi doonaa taariikhda Diimaha, taas oo ardayda fursad u siin doonta in ay bartaan taariikhda diimaha oo uu Islaamku kamid yahay. Sidaas waxaa shaaca ka qaaday wasiirka waxbarshada Ruuska, waxa uu wasiirku arintaas ku sheegay warsaxaafadeed Agoosto 31, 2004, sida ay faafisay islamonline. Dalka Ruushka waxaa ku dhaqan 19 million oo Muslimiin ah, taas oo islaamka ka dhigeysa diinta labaad ee dalka Ruushka ay dadka ugu badani haystaan..
WARARKII HORE EE ARINTA KHIMAARKA:
17/12/2003
Madaxweynaha Franasiiska oo Ansixiyey in Khimaarka Laga Mamnuuco Iskuulada Faransiiska
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنةArbaca (17/12/2003) ayaa madaxweynaha Faransiiska, Chirac, uu shaaca ka qaaday in uu doonayo in Faransiiska iskuuladiisa laga mamnuuco khimaarka, waxana uu rabaa in arintaas mamnuucida laga dhigo sharci inta ka horeysa sannad dugsiyeedka 2004.
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنةDhibaatooyinka Kala Duwanaanshaha Manaahijta Dugsiyada Muqdisho waa sidee?
Warbixin Dugsiga Ablaal.. Guji...

Faransiisku waa wadanka ugu Muslimiinta badan Yurub, waxaana dalkaas ku nool 5 million oo muslimiin ah.
Dhanka kale waxa uu Chirac wax-kama-jiraan kasoo qaaday soojeedin ahayd in labada ciidood ee Muslimka (Eid el-Kabir) iyo Yuhuuda (Yom Kippur) laga dhigo maalmo fasax qaran ah, soo jeedintaas ciidaha wuu diidey, laakiin wuxuu ogolaaday soo jeedintii ahayd in Khimaarka la mamnuuco.
December 14, 2003
Faransiiska oo Qarka u Saaran in uu Soo Saaro Sharci Mamnuucaya Khimaarka Gabdhaha Muslimiintu Ku Xirtaan Iskuulada
Qoraalkan Waxaa soo uriryey Bahda SomaliTalk.com | December 14, 2003
Lila iyo Alma waa walaalo laga cayriyey iskuulka
Jacques Chirac | Lila iyo Alma Levy
Wararka ka imanaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in dalkaasi uu Qarka u Saaran in uu Khimaarka ka Mamnuuco Goobaha Dawladda, gaar ahaan iskuulada, taas oo ah in aan gabdhaha muslimiinta ahi khimaar ku xiran karin iskuulada. Guddi katirsan madaxtooyada Faransiiska ayaa soo jeediyey arintaas mamnuucida xijaabka (khimaarka) muslimiinta in aan lagu xiran karin iskuulada dawladda, waxa kale oo mamnuucidaas la socda calaamadaha istalaabta ee kiristaanka iyo kuwa yuhuudda. Arintaas oo hadda siweyn u kala qaybisay Faransiiska. Waxaana la sheegay in madaxweynaha Faransiiska, Chirac, uu arintaas go'aan ka gaari doono toddobaadkan, taas oo qaar warbaahinta ka mid ah ay tilmaameen in uu muujiyey sida uu u raacsan yahay go'aankan mamnuucida ah. Guddiga arintan loo saaray oo ka kooban 20 qof oo uu hogaaminayo wasiir hore ee dawlada France oo lagu magcaabo Bernard Stasi, ayaa khamaiistii lasoo dhaafay soo jeedintooda u gudbiyey madaxweynaha Faransiiska Jacques Chirac, waxan arintaas ay gudigaasi soo falan qaynayeen muddo saddex bilood ah. Waxaa wararku sheegeen in sababta sharcigan mamnuuca ah ka dambaysa ay tahay (waa sida Faransiisku sheegtay'e) xeerka loo yaqaan kala saaridda xukunka iyo diinta - oo ah in la kala saaro diinta iyo xukunka. Laakiin Waxa warbaahinta qaarkeed ay si qayaxan u tibaaxeen in arintan si bareer ah loogu dan leeyahay Muslimiinta ku dhaqan dalka Faransiiska. Dadka Faransiiska oo tiradoodu dhan tahay 60 million waxaa Muslim ka ah qiyaastii boqolkiiba toddoba (7%).
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنة
Alma Levy, oo 16 jir ah, oo xigta dhanka bidix, waxay tilmaameysaa khimaarka walaalsheeg Lila oo 18 jir ah, markaas oo ay warbaahinta l ahadlayeen ayagoo jooga Faransiiska taariikhduna ahayd Oct. 13, 2003 [Sawirka AP]
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنة
In xijaabka laga fogeeyo albaabada iskuulka waa arin lagag adhaqmo wadamo badan, ka akhri IslamOnline.. Guji
Arinta Khimaarka gabdhaha ee iskuulada Faransiisku waxa ay hoos ka holceysey ilaa sannadkii 1989. Markaas oo laba gabdhood oo walaalo ah ay diideen in ay iska qaadaan khimaarka, waxayan arintani sii xoogeysatey markii Octoobartii lasoo dhaafay iskuulka laga cayriyey laba gabdhood oo walaalo ah oo la yiraahdo Lila iyo Alma Levy, taas oo cayrintooda sabab looga dhigay in ay jebiyeen xeerkii iskuulka u dhignaa - khimaarka ay xiran yihiin awgeed. Gabar yar oo uu warameysey Telefishanka NBC ee Maraykanka ayaa tiri wax rajo iyo mustaqbal ah ugama jeedo Faransiiska, waxaa mustaqbalkaygu yahay Ameerika iyo Briton oo gabdhuhu ay xor u yihiin khimaarkooda. Sida ay warbaahintu sheegtay xeerkani kuma koobna khimaarka, waxaa sida la sheegay ku qoran warbixinta qormada xeerkaas (ayadoo aan la magcaabin diin) in qaar kamid ah cisbitaalada faransiiska dhexdooda meelaha dadku maro laga dhigay meelo lagu tukado iyo in qaar rag ah ay dumarkooda u diideen in ay dhakhaatiir rag ahi daaweeyaan, taas oo qoraalku arintaas ku tilmaamay mid ay ka dambeeyaan kooxo nidamsan oo tijaabinaya iska caabinta dadweynaha. Jariidada lagu magcaabo Al-Watan ee kasoo baxda Qadar waxa ay sheegtay in ay kalsooni ku qabto in madaxweyne sida Jacques Chirac oo kale ah uu leeyahay xikmad uu sharcigaas ku baabi'yo, sharcigaas oo aan taabanayn Muslimiinta Faransiiska oo keliya balse saamaynaya isla markaana carqaladayndoona dalalka Muslimiinta ah. Jariidada Al-Quds Al-Arabi oo ka soo baxda London waxa ay soo jeedinta sharcigaas mamnuucida khimaarka ku tilmaantay mas'uuliyad xumo. "Waxaan caqliga gelayn in sharciga Faransiisku u ogolaado in gabdhuhu xirtaan goonooyin gaagaaban, kuwaas oo naasohoodo muujinaya, una diidaya in ay is asturaan" ayaa jariidadu qortay ayadoo ku dartay "Waxaa sharci darro ah in qof uu madaxiisa asturo, laakiin in uu muujiyo nasihiisa, hoostiisa, lugihiisa waa sharci" miyaa ayaa jariidadu tiri.
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنةJariidada China Daily ee shiinaha waxa ay tiri Madaxweynaha Faransiiska Jacques Chirac oo hadda ka hor si cad u sheegay in uu kasoo hor jeedo khimaarka lagu xiranayo fasalada, Arbacada ayuu cadayn doonaa ama ku dhawaaqi doonaa in uu sharcigaas taageersan yahay iyo in kale. Chirac oo toddobaadkii hore mar uu safar ku tegey Tunisia, la hadlayey arday dhigta dugsi sare waxa uu yiri khimaarka waxaa dalka Faransiiska looga arkay 'nooc weerar ah'. Kaniisadaha Kirirshtaanka iyo Yuhuudu aad ayey arintaas mamnuucida khimaarka uga soo hor jeesteen, waxayna weydiisteen in sharcigaas aan la hir gelin. Laakiin qaybta loo yaqaan Protestant Federation of France waxay yiraahdeen arintani wexey u muuqataa mid la aqbali karo. Arintan khimaarka sida ay wararku sheegeen kuma eka dalka Faransiiska oo keliya.
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنة
Fereshta Ludin oo ku guulaysatey in loo ogolaado khimaarka marka ay iskuulka wax ka dhigeyso.
Dalka Jarmalka 16ka gobol ee uu ka kooban yahay aad ayey ugu kala qaybsan yihiin arinta mamnuucida khimaarka, taas oo gobolada qaarkood aysan wax dhib ah u arkin khimaarka, halka gobolada Bavaria iyo Baden-Wuerttemberg ay sannadkan soo jeediyeen in lasoo saaro sharci mamnuucaya khimaarka iskuulka ee ay xirtaan gabdhaha Muslimiinta ah. Weliba dalka Jarmarka mamnuucida kuma jiraan calaamadaha Kirishtaanka iyo Yuhuuda. Bishii September ee 2003 ayey ahayd markii ay maxkamad sare oo ku taal gobolka Baden-Wuerttemberg ee dalka Jarmalka ay xukuntay in macallimad Muslim ah xiran karto khimaarkeeda marka ay Iskuulka dhigeyso, macalimadaas oo lagu magcaabo Fereshta Ludin, da'deeduna tahay 30 jir, asalkeediina ka timid dalka Afghanistan. Macalimadaas waxaa sannadkii 1998 loo diidey shaqada macalinimada sababtoo ah waxay ku adkaysatay in ay xiran doonto khimaarkeeda. Arinta maxkamada waxay guul weyn u ahayd macalimadaas, laakiin arintaasi waxay sababtay in gobolka oo dhammi uu hadda u diyaar garoobayo in la soo saaro sharci iskuulada ka mamnuucaya khimaarka. Sannadkii 1999kii ayey ahayd markii ay dumar Muslimiin ah ay socod ku mareen wadooyinka magaalada Turin ee dalka Talyaaniga ayagoo dalbanayey in loo ogolaado in khimaar u xiran karaan sawirada aqoonsiga rasmiga ah ama dukumiintiga rasmig ah sida baasabaoorada iyo teesarayaasha.
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنة
Dumar u dhashay qabiilka Tatar
Bishii May ee 2003 waxay u ahayd guul dumarka dalka Ruushka kaddib markii loo ogolaaday in ay xiran karaan khimaar marka ay iska qaadayaan sawirka basaaboorka, arintaas oo ay u dagaalamayeen koox muslimiin ah oo u badan gobolka muslimiintu ku badan yihiin ee Tatarstan, ayagoo ka dagaalamayey xukunkii uu sannadkii 1997 soo saaray wasiirka arimaha gudaha ee ahaa in la mamnuuco khimaarka loo xiranayo Baasaboorka. Saddexda dumarka ah ee dhanka bidix ka muuqda waxa ay ka dhasheen qabiilka Tatar ee Tatarstan waxayna dacwad soo oogeen kadib markii hay'adda baasaboorada qaabilsan ay diidey codsigoodii baasaboorka sababtoo ah waxay xirnaayeen khimaar, arintaasi waxay dhacday bishii August ee 2002, waana tan ay sannadkan guusheeda heleen. Bishii Febraayo ee 2002 ayey ahayd markii iskuul kuyaal dalka Singapore laga cayriyey laba gabdhood, kaddib markii ay diideen in ay iska qaadaan khimaarka, labadaas gabdhood oo aad u da'yar aad ayey uga xumaadeen in Iskuulku u diidey in ay xirtaan khimaarka ay jecel yihiin xirashadiisa.
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنة
Nurul Nasihah oo 7jir ah aad ayey uga xumaatay markii iskuulka loo diidey khimaarkeeda awgeed
Mid kamid ah gabdhahaas oo magaceeda la yiraahdo Nurul Nasihah da'deeduna tahay 7 jir, waxaa la sheegay in ay aad u oydey. Aabeheedna waxa uu yiri gabadhaydu aad ayey ogdey markii loo diidey iskuulka. Maamulaha iskuulkuna waxa uu u sheegay in ay Iskuulka kusoo laaban doonto gabadhaas yari haddii ay khimaarka iska soo dhigto, laakiin aabeheed wuxuu yiri waxaan maamulaha u sheegnay in aan gabadhanadu iskuulka ku aadayn khimaar la'an ayadoo ka tegeysa diintanada. Waxaan ogolaan karaa khimaar la'aanta haddii iskuulku qoraal rasmi ah ii qoro kaas oo ah in gabadhaydu ay iskuulka ku xiran doonto khimaarka marka ay qaan gaarto ama ay gaarto dugsiga sare. Qiso ka dhacday dalka Turkiga bishii April ee 2003 ayaa ahayd in xaaska mid ka mid xubnaha baarlamaanka dalkaasi ay go'aansaday in aysan ka qayb gelin mid ka mid xaflad uu ninkeedu qabaneyey sababtoo ah muran ka yimid khimaarka ay xiran tahay. Sida wararku sheegeen dalka Turkiga oo dadka ku dhaqani ay Muslim u badan yihiin waxaa mamnuuc ah in khimaar lagu xirto dhismayaasha dawladda. Bishii July ee 2002 ayey ahayd markii ay gabdhaha Turkigu dhigeen mudaharaad si loogu ogolaado in ay iskuulka ku xiran karaan khimaar. Dalka Turkiga nidaamka uu hadda ku dhaqmo waxaa u dejiyey Mustafa Kemal Ataturk, markii uu dejiyey nidaamka uu u bixiyey Turkiga cusub sanadadii 1920-naadkii. Dhankaa iyo dalka Ingiriiska, Gabar lagu magcaabo Shaista Aziz ayaa bishii September ee 2003 waxay qortay: "Waxaan ahay Muslimad Ingiriis ah, Dharka ayaa aad iigaga qiima badan wax kasta, dharka aad xiran tahay waa aqoonsi, muddo markii aan jid dheer soo maray kadib ayaan go'aan saday in aan xirto xijaabka (khimaarka)."
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنة
Islam Amin

Bishii Augosto ee 2000 ayaa Dacwad socotay muddo labo sanno, kuna saabsanayd gabar khimaarka (masarka) madaxa u saarnaa awgeed loogu diiday inay si tababar ahaan uga shaqeyso dukaan weyn oo la yiraahdo "MAGAZINE", kuna yaala bartanka magaalada Odense ee dalka Denmark, ayaa xukunkii ugu danbeeyay soo saartay maxkamadda sare maalinimadii khamiista ee ina dhaaftey.
Gabadha oo la yiraahdo Islam Amin una dhalatay dalka Ciraaq 17 jir ahna ayaa si weyn ugu faraxday natiijadii maxkamadda, ka dib markii ay maxkamadda ku xukuntay dukaanka Magazine inuu gabadha magdhow ahaan u siiyo 10.000 kr (qiyaastii 1200 USD), iyadoo ay maxkamaddu xukunkaas u cuskatay sharciga diidaya kala sooca iyo midabtakoorka dadka. Reerka gabadha ay ka dhalatay iyo jaaliyadaha muslimiinta ee ku dhaqan dalka DK ayaa si aad ah ugu riyaaqay natiijadii maxkamadda. [Warkaas oo dhan halkan ka akhri]
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنة
Fartun Nur, gabar Soomaaliyeed oo degan Minneapolis

Bishii June ee 2000 ayey ahayd markii ay Jariidad kasoo baxda Minnesta ay qortay hadalkan: "Marka hore waxay xirataa maro-dheer oo dhulka joogta. Kaddibna shaati gacmo-dheere ah. Xijaabka iskama bixiso, wayna isku hagaajisaa (khimaarka) si ay u xaqiijiso in uu weli asturayo timaheeda. Kaddib, waxay gashataa surweel u jooga ruugagga, waxayna ku carartaa fasalka jirdhiska ee gabdhaha keliya u gaarka ah." - Gabadha sidaas looga sheekaynayaa waa Fartun Nur, oo markaas 17 jir ahayd, deggana Minneapolis, USA. Waxay markaas jariidadu is barbar dhigeysey gabdho soomaaliyeed... [warkaas oo dhamaystiran halkan ka akhri]
Nuuruddiin Faarax

Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنةNuuruddiin Faarax waxa uu sannadkii 1945 ku dhashay dalka Soomaaliya. Waxana uu qoraaladiisa ku qoraa luqada Afka Ingriisiga. Buugaagtiisa waxaa ka mid ah: From a Crooked Rib (1970), A Naked Needle (1976), Sweet and Sour Milk (1980), Sardines (1982), Close Sesame (1984), Maps (1986), Gifts (1993),
Salman Rushdie waxa uu Nuuruddiin Faarax ku aamaanay in uu yahay "Mid kamid ah kuwa ugu wanaagsan Qorayaasha Noofelada ee Casriga la socda ee Afrikaanka ah". Sidaas waxaa qortay shabakada commonwealthclub.org, oo intaas ku darday in Nuurudiin Faarax uu wax ka qoro sheekooyinka dumarka, uuna ku guulaystey billada loo yaqaan Neustadt International Prize [oo la siiyey sannadkii 1998].
Markii uu qoray Naked Needle sannadkii 1976 waxaa loo sheegay in dawladdii Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre (Allah ha u naxariistee) ay qorsheyneysey in ay xabsiga dhigto haddii uu dalka kusoo laabto, waxyaabaha ku qoran buuggaas awgood. Markaas ayaa lagu soo waramay in uu Nuuridiin Faarax isku xakumay in uu dalka laaji dibada kaga ahaado.

“Nuruddin Farah, waa Noofalistaha ugu muhiimsan ee Afrikaanka ah ee soo caan baxay labaatankii sano ee ugu dambeeyey, waxaana codadka ugu cawaandisan ee sheekooyinka mala awaalka ah ee casriga ah" sidaa waxaa qortay The New York Review of Books. "Waxaa fudud in la arko sababta uu magaca Nuurudiin Faarax ugu soo noqnoqonayo in uu noqdo kan loo malaynayo in uu helo bilada Nobel Prize ee Literature.” sidaas waxaa qortay Newsweek.

Buuga ka mid ah buugaagtiida waxa uu Nuuruddiin Faarax:
--...Nasser believed she could remove her props of age and mask of beauty whenever she wanted; it was as easy for her as undressing before a near-stranger had been, a near-stranger whom she imagined would make carry the seed which would multiply in her womb and flourish the actress's splendour. She said, her voice calm as her delivery had been rehearsed:
--"Some of us have been catapulted into the centre-stage of a century we actually don't belong in and have nothing in common with. Some of us have been forced by circumstance to accept conditions and the dictates of the century's needs. It's like living all your life natural darkness or in an area bathed in moonlight. Then suddenly powerful electric bulbs are switched on and you become the spot on which the light falls, upon whom all the world's eyes meet."
(from Sardines, 1981)

Jaridada Guardian Weekly waxay qortay: Qoraaga keligiis ay Soomaaliya leedahay ee adduunka laga yaqaan ee qora Noofalda, Farax oo wax ku qoraa English, waxaana buugaagtiisa lagu tarjumey in ka badan dersin luqado ah. Noofalkiisii ugu horeeyey oo ah "From a Crooked Rib" (oo uu qoray sannadkii 1970), waxa uu qoray markii uu Hindiya ka ahaa arday barta Falsafadda. Waxana uu buugaas kaga hadalay aragti uu ugu garaabayo dumarka arrimuhu ku cakiran yihiin ee dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, oo laga eegayo indhaha gabar yar oo reer baadiye ah oo la gudey, sidaas waxaa qortay Guardian Weekly (April 18, 1993), oo intaas ku dartay: Waxa uu ku guulaysey fursada gaarka ah ee ah ninkii 'feministaha' ahaa ee qoraaga ahaa. Mararka qaarkood ayaa loo soo diri jirey waraaqo cinawaanka looga dhigay ku: "Ms Farah" (oo macneheedu yahay in isaga looga dhigayo dheddig), oo markaas la weydiinayey in uu ka waramo khibardii uu kala kulmay gudniinka dumarka.
Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis - الجها د با ب من ابواب الجنةCeebla, agoon siddeed-iyo-toban jir ah, waxay ka fakatay baadiyihii ee reer guuraaga Soomaalida markii ay ogaatey in awowgeed uu ballan aaday in uu u guurinayo nin da'weyn. Laakiin markii ay u fakatay Muqdishu, waxay is aragtay in aysan wax awood ah lahayn islamarkaasna ay ku tiirsanaato niman sidii ay ugu tiirsanayd markii ay duurka joogtey oo kale. Dhexjibaaxii adeegidda, guurka, faqriga iyo rabshadaha, Ceebla waxay ku dagaalantay in ay ilaashato sharafteeda, iyadoo ku jirtey adduun ah meel dumarka 'loo iibiyo sida lo'da'. Ayuu qoray Nuruddin Farah oo arrinta ka eegaya aragtida dumarka, Novel-kiisii ugu horeeyey oo ahaa mid weeraraya dhaqanka dadkiisa. Sidaas waxaa qortay shabakada Penguin.co.uk oo ka hadleysey buugga uu Nuurudiin Faarax qoray sannadkii 1970 ee cinwaankiisu yahay: From a Crooked Rib.
h


No user avatar
maxamedoow
Latest page update: made by maxamedoow , Dec 17 2007, 9:28 PM EST (about this update About This Update maxamedoow d - maxamedoow

5340 words added
20 images added

view changes

- complete history)
Keyword tags: a
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.